Haweeney Raisul wasaare ka ah dowlad ka tirsan caalamka oo uur yeelatay

Haweeneyda Ra’isul Wasaaraha ka ah dalka New Zealand Jacinda Ardern iyo seygeeda Clarke Gayford ayaa sheegay inay ilmo filayaan bisha June ee soo socota, waxayna qaadaneysaa fasax lix todobaad ah.

Fariinta ku saabsan in ay uur leedahay oo ay ku daabacday boggeeda Instagram ayaa dadka baraha bulshada isticmaala ay kusoo harqiyeen fariimo hambalyeyn ah.

Xisbigeeda ayaa galay kaalinta labaad doorashooyin dhacay bishii September, iyada oo uusan xisbina helin aqlabiyad qayaxan, iyadoo ka dib ay dowlad wadaag soo dhistay.

Jacinda ayaa sheegtay in marka ay shaqada ka maqantahay uu Ra’isulwasaare dalka ka noqonayo ninkan lagu magacaabo Peters.

Waxa ay sheegtay in xiliga ay fasaxa umusha ku jirto ay isticmaali doonto isgaarsiinta si hawlaha dowladda ay u kala fududeyso iyada oo guriga joogta.

Labo ka mid ah ra’isulwasaareyaashii hore ee New Zealand ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee u hambalyeeyay gabadhan.

Waxa ay hoggaanka xisbiga la wareegtay bishii July ee sanadkii hore, maalinkii koowaad ee xafiiska tagtayna waxaa la weydiiyay su’aalo ah waxa ay fali doonto haddii ay uur yeelato xili laga wareysanayay taleefishin dalkaas ku yaala. Taas oo ay uga jawaabtay in ay tahay su’aal aanan la aqbali karin in dumarka la weydiiyo in ay kala doortaan shaqada iyo guriga.

Sanaddii 1990-kii, Ra’isul wasaarihii Pakistan Benazir Bhutto ayaa gabar dhashay iyadoo Ra’isul wasaare ah, waxayna ahayd hoggaamiyihii ugu horeeyay oo dal adduunka ka mid ah oo dhasha ilmo iyada oo xilka haysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -